Guubaabo iyo Garnaqsi Culimo W/Q Hilaal Colaad

Sunday December 22, 2019 - 13:18:16
Liibaan Jeexoow
Kitaabkiisa Ta'amulaat Fidiini Wal Xayaat ee Al Imaam Al Khazaali wuxuu soo guuriyay qisada nin maal qabeen ah oo dhalay wiil indhool ah kaasi oo kadib markii uu kala daalay dhaqaartiirta go'aansaday in uu geeyo Al Azhar si uu u baro diinta.

 

Intii uu wiilka yar ee indoolka ah ku jiray barashada iyo xifdinta Qur’aanka ayaa Allah fadligiisa si tartiib tartiib ah nuurku ugusoo laabtay indhihiisa.

Odaygii maalqabeen ka ahaa ayaa doonay in uu badalo go’aankiisi ahaa inuu wiilkiisa u hibeeyo barashada cilmiga sharciga ah ee uu gaaray ka hor intii uusan Allah nuurka kusoo celin, waxa uuna geystay Iskool lagu barto farsamada gacanta. 

Abuurista Eebe dadku waxay isugu jiraan kuwo leh aragti dheer, xikmad , faham sarreeya iyo damiir soo jeeda Allah ugu deeqay iyo kuwo uu nasiibkoodu noqday, nusqaan, damiinimo iyo maan gaabnimo.

Nuxurka sheekadu waa in Muslimiintu ay dhallaankooda caqliga iyo fahamka leh ku mashquuliyeen adduunyada halka cilmiga sharciga ah aan barno kuwa indhaha la’, kuwa fahamka liita iyo mid kasta oo aan tuhmayno kartidiisa marka laga reebo kuwa yar oo uu Allah ku ilhaamiyay si uu ugu ilaaliyo diinkiisa.

Arintaan waxaa tusaale u ah yaraanshaha culimadda rabaaniyiinta ah ee leh fahamka sarreeya iyo caziimada ee ku sugan xaqqa, Waxaana maanta farabadan dad wata magacii culimada oo u khuduucaya duliga ummadana ugu yeeraya cadowgeena soo jireenka ah.

Madaama ay culimadu yihiin kuwii dhaxlay Anbiyada waxay ku aadan yihiin kaalin muhiim oo ah in ay nagu ilaaliyaan seeraha uu Allah u dhigay addoomihiisa iyo in aan Allah u caabudno siduu nafaray nabigeena NNKH. 


Markii ay soo baxday qadiyadda FOREX ayaan u fiirsaday sida ay culimadu uga jawaabeen taas oo igu dhalisay in aan qoro maqaalkaan balse qormadeydu kuma saabsana xalaalnimada iyo xaraamnimada Forex.

Culimada Muslimiintaay waxaan wada aragnaa sida caamada Muslimiinta ah ugu dhegtaagayaan fataawihiina uguna heeloonyihiin in ay ka haraan waxaad ka reebtaan ayna falaan waxaad u fasaxdaan.

Balse in badan oo naga mid ah waxay tuhmayaan in aad na howl yareey sanaysaan, inaad nahagranaysaan mana aheyn mid aan idinka sugaynay.. 

Si ay nooga baxdo tuhmadaas uguna qanacno xukunkiina waxaan u baahanahay inaad naga saartaan ishkaalka nagaga jira qadiyadda aad noo baneyneysaan ama aad naga reebeysaan.

Ma ahan inaan ku madax adagnahay oo aan dooneyno baadida balse waa in Allah SW uu nasiiyay caqli aan ku fekerno taasi oo keeneysa markii aan miisaano fataawihiina inaan kala garan karno inaad haleesheen mas’alada ama inaad hareer marteen.

Tusaale ahaan qofka bartay ee ku shaqeysta Forex hadii uu Fataawahiina ka dhex arko inaad faham qaldan wax ku dhisateen maxaa diidaya inuu ku qanci waayo.

Culimada Muslimaantaay bal ka warrama hadaad mas’alada weeleysaan, dharaandhirisaan oo adinkoo tartiibsanaya aad waqti galisaan markaas kadib kolkaad hanataan fahamka saxa ah ee mas’alada aad si cadaaladi kujirto noogu soo bandhigtaan xukunka.

Kolkaas anaguna waan idinka qancaynaa waxaana meesha ka baxaya ishkaalka iyo tuhmaadii aheyd inaad na howlyaraysateen, Allahna wuxuu idinka abaal marinayaa juhdigiina iyo dadaalkiina haddii aad haleeshaan iyo hadii aad hareer martaanba.

Marka uu Caalimka Muslim ka ah fatwo kasoo saaro mas'alo uusan faham dhameystiran ka haysan isagoo wax ku dhisanaya waxay dadkale ay sheegeen waxaa ka dhalan kara mafsado saamaynaysa bulshada oo dhan.

Dadka ay samaynayso fataawadu way kala garan karaan midka haleelay iyo kan hareer maray markii culimadu isku khilaafto arrin sida Forex oo kale ah waxaadna moodaa in Culimada baneeneysa ay ka faham fiican yihiin kuwa xarrimay oo aad moodo in ay wax ku dhisteen fataawad culimo kale oo ay isku xiranyihiin.

Hadaba waxaad arki kartaan baahida loo qabo culimo mufakiriin ah, oo muxaliliin ah oo garasho dheer leh madaama uu fataawahoodu saameeynayo dhamaan bulshada.

Caalamka oo dhan Muslimiintu waxay u halgamayaan u noqoshada ku dhaqanka Shareecada Rabi kolkaas culimada waxaa koraya mas’uuliyad culus madaama shu’uunta ummada oo dhan la waafajinayo Diinta xili kuwa badan oo calmaaniyiin ah ay ku doodayaan inaan kitaabka lagu xukuntami karin dunidaan casriga ah.

Allah waxaan waydiisanaynaa inuu noo soo saaro culimo fogaan arag ah oo garaarsan fahamka saxa ah ee Islaamka oo na tusisa inaan diintu duugoobin afkana ciidda u dara culimada shaydaanka.

Waxaan ku baraarujinayaa dhalinyarada Muslimiinta anoo iska bilaabaya in ay u qalab qaataan barashada cilmiga sharciga ah si ay u buuxiyaan kaalintaas madaama ay taagantahay baahi loo qabo culimo lasocata waaqica sidoo kalena milkisa cilmiga sharciga ah.

Si guud waxaan bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah ku dhiiri galinayaa in dhalaankeena fahmada iyo kartida leh aan barno Diinka, Maamulka iyo wax iska dhicinta si kuwa damiirka leh ee aan qaadan gumeysiga ay ummada u hogaamiyaan, Diinka ugu dhaqaan, dalkana u diifacaan.


Ugu danbayn Allah ayay mahad oo idil u sugnaatay.


W/Q Hilaal Colaad.

FG: Fikirku wuxuu gaar u yahay qoraaga ku saxiixan

facebook.com/Hilaalcolaad
twitter.com/Bidhaaan

Related Items

Update cookies preferences