HADDIIBA BAHAL LA SHEEGANAYO MAA BAHALLADA WAAWEYN LA SHEEGTO!!! WQ: DR SULDAAN GARYARE.

Friday March 06, 2020 - 09:48:06
Liibaan Jeexoow
Nin socoto ah ayaa beri u yimid niman dhallinyaro ah oo geelley ah markaas ayuu weyddiiyay qolada ay yihiin.


Dhallinyaradii oo aad ugu hanweynaa qolada ay yihiin ayaa yiri waxa aannu ka la nahay "BAH JIIR IYO BAH MULAC".

Ninkii socotada ahaa oo yaabban una qaatay in dhallinyaradu ay isaga ku ciyaarayaan ayaa ugu jawaabay, AWOOWGIIN LA GUBYE!! HADDII AAD BAHAL UUN SHEEGANAYSAAN MAAD BAHALAHA WAAWEYN SHEEGATAAN, INTA AAD MULAC IYO JIIR SHEEGANAYSAAN?.

Arrintaas mid ka agdhow ayaan beryahan baraha bulshada iyo shaashadaha wararka tebiya ka maqlayaa. Waxa aan maqlaa ciidanka HARAMCAD iyo GORGOR.

Haddaba waa su'aale Haramcadku sow kii ma aha riyaha uun ka adkaa ee aan xoolo kale cuni karin, GORGORKUNA, sow ma aha kii maqasha ama waxaraha qaadan jirey ee aan cid kale wax yeeli karin. Kolley haddii ay magac bahal sheeganayaan may kuwa waaweyn sheegtaan, mise bahalaha ayeysan ka la aqoon oo aqoontaadaa intaa ku siman?

WQ: DR SULDAAN GARYARE

Related Items

Update cookies preferences