AWOODDA KANEECADA W/Q Suldaan Garyare.

Wednesday April 29, 2020 - 09:16:51
Liibaan Jeexoow
Aayadda 26aad ee suuratul Baqara waxa uu Alle (swt) ku xusay oo uu tusaale u soo qaatay cayayaanka aadka u tabarta daran ee la yiraahdo Kaneecada.


Waxa uu quraanku xusay ilaa 28 noole oo ay kaneecadu ka mid tahay. Haddaba aqoonta iyo layaabka Quraanka ku jira ayaynu eegaynaa iyo awoodda ay kaneecadu leedahay iyo in aan ciyaar uusan Alle (swt) ugu soo qaadan tusaale, balse xikmadda ku jirta aynu isla eegno. Hay’adda Caafimaadka dunida u qaabilsan ee loo yaqaan marka la soo gaabiyo (WHO) ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in sannadkii 2014kii dadkii dunida ugu badnaa ay u dhinteen cudurka kaneecadu keento ee duumada (Malaria), waxaana u dhintay 750, 000 qof, tiro ka badan marka la isku daro dadkii ku dhintay sababaha kale oo ay xataa dagaalladu ku jireen.

Dagaallada waxa ku dhintay sannadkaa 437, 000, waxa ay dileen bahallada kale oo dhammina waxa ay noqotay tiro ka yar 145, 000 oo qof. Haddaba kaneecada qaabdhismeedka jirkeedu waa sidee? Waxa ay leedahay 1000 indhood, 48 ilkood, saddex wadne, lix mindiyood ayey afka ku wadataa, 6 baal ayey geesaha ku leedahay waxa ay leedahay dareen dheer oo ay ku kala garato qofka hurda iyo kan soo jeeda, waxa kale oo ay leedahay dareen ay ku uriso inta uu qofku u jiro.

Sida ay dhakhaatiirtu sheegaan kaneecada dadka waxyeelaysaa waa tan dheddigga (Anopheles) ah oo u baahan dhiig bani’aadan si ay ubad u dhasho, waana mid ay si dhab ah ugu baahan tahay, meesha teeda labi ay dheecaanka geedaha adeegsato. Waxa ay leedahay qalab rabbaani ah oo ay ku kala saarto qofka dhiiggiisu caafimaad qabo iyo kan uu dhiiggiisu jirran yahay, kan uu dhiiggiisu jirran yahayna ma qaniinto.

Waxa ay leedahay dareere ay ku suuxiso qofka inta ay hawsheeda wadato, markii ay dhammaysatana waxa ay qofka ku siideysaa dheecaan dhiig joojin ah, oo qofku waxa uu dareemaa marka ay ka tagto oo ay hawsheedii dhammaysato.

Haddaba kuwii sufahaaga ahaa ee kufaarta ahaa waxa ay wax liita u arkeen in Kaneecada uu Alle (swt) tusaale u soo qaato balse dadkii caqliga lahaa waa ay rummeeyeen tusaalahaas, waxa ayna dareensanaayeen in aan Alle (swt) uusan xikmad la’aan u soo qaadan cayayaankan tabarta daran, balse ay cibro iyo xikmadi ku jirto, Arrintaasi waxa ay na tusinaysaa layaabka uu Quraanku leeyahay in aqoonta ku jirta.

W/Q Suldaan Garyare

Related Items

Update cookies preferences