Caa'isha Romano oo Aayado Qur'aan ugu Jawaabtay Cunsuriyiinta Talyaaniga ee hanjabaadda ujeediyay.

Wednesday May 20, 2020 - 15:26:16
Liibaan Jeexoow
Dacwad oogaha guud ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay diiwaan geliyeen illaa 40 kiis oo ah hanjabaado dil ah oo loo jeediyay gabadha muslimadda ah ee Caa'isha Romano taas oo dhowaan xuriyadeeda dib u heshay kadib 18 bilood oo ay ku afduubneed Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga waxay sheegtay in ay waddo baaritaanno ku aaddan hanjabaadaha dilka ku baaqaya ee ka dhanka ah gabadha muslimadda ah ee Caa'isha  taas oo bishan horraanteedi ka tagtay Soomaaliya iyadoo xijaaban.

Siyaasiyiin,xildhibaanno iyo wariyaal katirsan xisbiyada Xagjirka ee islaam naceybka ku caanbaxay ayaa soo jeediyay in Caa'isho ladilo halka kuwa kale ay ku taliyeen in ciqaab adag lamarsiiyo illaa ay ka laabato diinta islaamka ee ay qaadatay.

Balse walaasheen Caa'isha ayaa u jawaabtay qolyaha gaalada xagjirayaasha ah waxayna sheegtay in islaamka ay si xuriyad leh uqaadatay oo aan lagu qasbin.

Jawaabtii ugu dambaysay ee Caa'isha ay siisay kuwa colaadinaya ayaa ahaa Aayado katirsan Suuratu Fusilat, Aayadaha ay Caa'isha soo qaadatay ayay ku tarjuntay luqadda Talyaaniga.

نُزُلاً مِّنْ غَفُورٍ رَّحِيمٍ* وَمَنْ أَحْسَنُ قَوْلاً مِّمَّن دَعَآ إِلَى اللَّهِ وَعَمِلَ صَالِحاً وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ الْمُسْلِمِينَ* وَلاَ تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلاَ السَّيِّئَةُ ادْفَعْ بِالَّتِي هِىَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ* وَمَا يُلَقَّاهَا إِلاَّ الَّذِينَ صَبَرُواْ وَمَا يُلَقَّاها إِلاَّ ذُو حَظِّ عَظِيمٍ* وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ الشَّيْطَانِ نَزْغٌ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ} ).

Related Items

Update cookies preferences