SIYAASADDU WAA TURUBKA OO KALE.

Sunday September 06, 2020 - 13:48:55
Liibaan Jeexoow
Siyaasadda ayaa la sheegaa in ay tahay turubka oo kale haddii aad Turub barad tahayna waxa dhici karta in si degdeg ah lagaaga adkaado turubka waayo ninka kaa badiyaa waa mid kugu rogi kara oo lixle turub ah kaaga qaadi kara Yake (ace).


 sidaa darteed waxa muuqata in Madaxweyne Farmaajo intii uu siyaasadda ka yaqaannay oo uu Villa Somalia la fadhiyey ay bahashu ka sara martay, ka dib markii uu oggolaaday in siyaasiintii Maamul goboleedyada ahaa oo la shiraya qaybo ka mid ah golihii wakiillada sida Aqalka Sare iyo asxaabtii mucaaradka ahayd, hawshaah oo ahayd tii uu isagu lahaa maaddaama uu yahay sida nidaamkooda ku cad in uu kala ilaaliya ama u odayeeya hay'adaha dawliga (checks and balances) ah ee kala duwan ee xukuummadda uuna yahay madaxweyne maamuuseed (cermonial president).

Taas oo uu Farmaajo ka gaabiyey ayaa imminka waxa muuqata in hawshiisii ay cid kale wadato isna uu markhaati ka yahay. Inkasta oo aanan anigu ka mid ahay dadka aan la dhacsanayn qaabka dawliga ah ee hadda Soomaaliya laga sheego, haddana nidaamka ay degsadeen ayaa ah sidaa aan sheegay, waayo hadda hay'adaha dawliga ah ee dalka ka jiri lahaa waxa maqan laba hay'adood oo hawshoodii laalaln tahay, waan hay'adda fulinta (executive) iyo tii Garsoorka (judiciary), labadana Farmaajaa isku haya booskoodii.

Taasina waa tan keentay in isaga turubka lagu rogo, sababta oo ah nimankan ka soo horjeeda in ay wax akhriyeen ayaa muuqata isna wax dhegta loogu sheego, oo uusan hoosba u eegin waxa u qoran oo uu madaxweyne ku yahay, waaana waxa hoday maanta.

W/Q Suldaan Garyare

Related Items

Update cookies preferences