Xuuthiyiinta oo diyaarad Drone ah kusoo riday bariga dalka Yemen.

Tuesday November 09, 2021 - 13:50:12
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in maleeshiyaad xiriir laleh dowladda Shiicada Iiraan ay dhulka soo dhigeen diyaarad Drone ah oo Mareykanku farsameeyay.


Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa xaqiijiyay in ciidankooda difaaca cirka ay dhulka soo dhigeen diyaarad Drone ah xilli ay dul heehaabaysay goblka Ma'rib ee Bariga Yemen dhaca.

Xuuthiyiinta ayaa ku doodaya in ay hayaan qalfoofka diyaarad nuuceedu yahay Scan Eagle, sida uu sheegay Yaxye Sariic oo ah afhayeenka dhanka Melleeteriga wakiillada Iiraan ee Yemen waa markii 5aad oo ay soo ridaan diyaarad Drone ah.

Gobolka Ma'rib waxaa ka socda dagaallo culus oo udhaxeeya xukuumadda Taakta daran ee Yemen iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, dhinacaya loollamaya ayaa dadaal ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen gobolka hodonka ku ah saliidda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences