Gudiga gurmadka Abaaraha oo Raashiin Qeybin iyo Biyo Dhaamin Ka Sameeyey Mudug [SAWIRO]

Tuesday February 08, 2022 - 19:30:06
Gudiga gurmadka abaaraha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa raashiin qeybin iyo biyo dhaamin ka sameeyey gobolka Mudug halkaas oo ay ku nool yihiin dad aad u fara badan oo ay saameyn ku yeelatay abaarta ka jirta wadanka.

Gurmadkan ayaa laga sameeyey magaalooyinka Xarardheere, Caad, Cammaara iyo deegaanada ku xeeran ee ay ka taliso Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana uu isugu jira Raashiin qeybin loo sameynayey dadka iyo gurmad biyo dhaamin ah.

Boqolaal qoys ayaa ka faa'ideystay gurmadkaas oo qeyb ka ahaa ololaha ballaaran ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ugu gurmaneyso dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hoos ka daawo sawirada.

Related Items

Update cookies preferences