Sawirro+Codad: Beesha Maxamuud Hiraab oo ku dhawaaqday in ay si adag udifaacanayso deegaanadeeda.

Thursday October 06, 2022 - 10:14:12
Liibaan Jeexoow
Kadib kulamo ay waxgaradka iyo culimaa'udiinka beesha Maxameed Hiraab (Duduble) ay ku yeesheen degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolka Galguduud ayay uga arrinsadeen xaaladaha ka jira bartamaha Soomaaliya.
ntaas kadib ayay beesha Maxamuud Hiraab go'aan ku gaartay in ay difaacato dhulka ay ka degto gobolka Galguduud waxayna iclaamisay in ay kasoo horjeedo dagaalka uu Xasan Gurguurte Iclaamiyay.

Ugaaska Beesha Maxamuud Hiraab oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in deegaanadoodu ay yihiin kuwa Nabdoon islamarkaana aysan ogolaan doonin in colaad lasoo safriyay laga riday dhulka ay beeshu degto.

Halkan ka dhageyso Go'aanka beesha Maxamuud Hiraab MP3

Sidoo kale beesha Maxamuud Hiraab ayaa soo bandhigtay ciidamo hubeysan oo loo carbiyay in ay dhulka beeshu degto ay ka difaacaan maleeshiyaadka dowladda Federaalka haddii ay isku dayaan in ay halkaas kusoo duulaan ayna carqaladeeyaan nabadda ku timid ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Hoos ka daawo sawirro

Related Items

Update cookies preferences