Khasaaraha nafeed ee xorriyad-doonka oo bata dagaalka ma loo joojin karaa?

Friday December 22, 2023 - 15:11:13
Idriis Ali
Intii dunida la taagey dulmigu kama suulin marnaba taasina waa sababta adduunyadu u tahay daar imtixaan aakhirona daar abaalmarineed. Adduunyada marwalba waxa jira dad xadgudbay iyo qolo xaqa u taagan oo rabta in ay dulmiga iyo xadgudubka celiso.
Haddaba beryahan dambe waxa aad u soo batey aaraada kala duwan ee laga dhiibanayo dagaalka u dhexeeya dadka muslimiinta ah ee Reer Qasa oo ay Xamaas hoggaaminayso iyo duullaanka caalamiga ah ee Saliibi-Yuhuudiga ah ee ay Israa’iil hoggaaminayso.

 Dagaalkan oo ilaa hadda ka tagey dad gaaraya 20,000 oo shahiid iyo 53,000 oo dhaawac ah. Bilowgii dagaalka waxa hadley wadaado isku sheegay in ay wax wanaajinayaan balse aan taariikhda waxba ka aqoon kuwaas oo sheegaya in Xamaas ayna ka fekerin dadkeeda! Haddaba dagaalka xorriyadda ee basharku aslan sidee ayuu u yaallaa?.

Marka la gorfaynayo dagaalka xorriyadda ee bulsho la gumeeyay ku goboobeyso(gob ku noqonayso) waxa ay u hurtaa qiime kasta oo ay ku tagayso. Tusaale ahaan dagaalkii Ruushku la galey Naasigii kibrey ee Jarmalka waxa kaga dhintey 27milyan oo qof!.

Waxa kale oo taariikhyannadu weriyaan in dagaalkii Vietnam ee Mareykanku ku qaadey dalkaas ay Fiitnaamiyiintu ku waayeen dad u dhexeeya 1 ilaa 3milyan halka Mareykanka ay kaga dhintaan 58kun oo askari inta la ogyahay. Sideedaba muqaawimada ama dadka xorriyad doonka ah dhimashadu way ku badataa laakiin cidhibta dambe iyo guusha ayey yeeshaan.

Marka dhanka diinta laga eego qofkasta oo gaal naga dilo waxaan u xisaabinnaa shahiid waxaanu helayaa bi’idnillaah nolol tan hadda dunida taalla ka fiican. Ilaahay waxa uu intaas oo jeer inoo sheegay in dunidu aaney macno badan lahayn oo daarta aakhiro tahay guusha ugu weyn. Markale waxa uu inoo sheegay in haddii ay dhibi idinka soo gaadho jihaadka qolada idinka soo horjeeddaba in ay dhibaato gaadhey balse idinku aad Ilaahay ka rejaynaysaan wax aanay iyagu ka rejaynayn.

Markale si aynu u fahanno dagaalkii sagaashamaadkii ee Soomaalida iyo Mareykankii soo duuley ee huwanaa magacii Restore Hope waxa Soomaalida ka shahiidey kumannaan qof halka Ameerika ay qiratey 18 askari haddana ugu dambeyn iyagaa ka hulleelay Muqdisho, Soomaalidii dagaallamaysayna waxay xor u noqdeen dalkoodii inkasta oo dagaal sokeeye jirey.

Marnaba iyo meelnaba kama dhacdo dagaal soo duuleyaashu ka khasaare bateen lagu duuleyaasha! Welina taariikhda kumaynaan arkin; sidaas darteed maanta waxa dagaalka Qasa uu marayaa in Yuhuuddu xabbad joojin doonayso si ay u helaan maxaabiistooda laakiin Xamaas ay doonayso xabbad joojin waarta isla markaana reer Falastiin loo aqoonsado dhulkooda.

Sideedaba maanta waxa luntey haybaddii iyo qabkii Israel ku lahayd Bariga Dhexe dagaalkanina wuxu beddelay jihadii caalamku u socday.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences