Roobab dhimasho keenay oo ka da'ay Cummaan iyo Pakistan.

Wednesday April 17, 2024 - 11:35:11
Liibaan Jeexoow
Roobab waaweyn oo ka da'ay Saldanadda Cummaan ayaa keenay dhimashada 18qof oo toban kamid ahi yihiin ardey halka ilaa haatan la la la'yahay saddex qof oo kale.
Dhanka kale xukuumadda Pakistan ayaa ka dhawaajisey in tirada dadka ku nafwaayey roobabka gu’gu ay caga cagaynayso ilaa 55qof.

Saldanadda Cummaan ayaa ku soo rogtey shaqo hakin deegaannada dhaca Waqooyiga waddanka sababo la xiriira roobabka fatahaadda wata.

Tan ayaa imanaysa xilli sidoo kale la fasaxey dugsiyada iyo jaamacadaha Cummaan taas oo salka ku haysay dhibaatooyin la sii saadaaliyey in ay dhici karaan maalinta Talaadada ah.

Dhanka kale waddammo kamid ah Khaliijka sida Qatar ayaa iyana ay ka da’een roobab waaweyn gaar ahaan deegaannada Waqooyiga. Boqortooyada Sucuudiga waxa badankeed ka da’ay roobab dabaylo xooggan wata. Koonfurta dalka Immaaraatka Carabta waxa sidaas oo kale ka da’ay roobab waaweyn.

Dhanka kale dalkeenna Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay ka da’aan roobab mahiigaan ahi gaar ahaan gobollada Waqooyi Bari iyo Waqooyi.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences