"WAR IGA KAC BAKHTIYAHOW ANIGUNA MEYD BAAN AHAYE!!!.

Sunday June 07, 2015 - 08:42:49
Super Admin
بسم اللهالرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين



Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Waxa aan sheeko ku maqlay in laba oday oo Soomaaliyeed ay isu faaneen, iyaga oo mid waliba kan kale ku leeyahay waan ku legdayaa. Run ahaantii, labada oday midna kama aysan muuqan xooga am awood uu wax ku legdi karo, amase uu kan kale ku dhaamo oo ugu faano. Labadii oday ayaa legdemay, madaxana is daray. Mid ka mid ah odayadii ayaa la legday, amase waxa la oran karaa waa iska dul dhaceen, ee midna wax ma legdin, laakiin mid ayaa hoos maray. Kii la legday ayaa waxa uu markiiba la soo booday, isaga oo aan guul marnaba u oggoleyn, kan wax legday, waxa uuna yiri "War iga kac bakhtiyahow, aniguna meyd baan ahaye”. Odagaa la legday waxa uu muujinayey in odaga kale ee isaga legday uusan ahayn mid isaga tabar dhaama, laakiinse ay dhacday in uu isagu kor maro, taas oo aan ku iman tabar dheeriye, laakiinse ay ku timi nasiib iyo qaddar Alle(swt).

Sheekadan ayaa muujinaysa in labada baarlamaan ku sheeg, ee ku kala sugan Muqdisho iyo Kismaayo, mid walibana gaalo iyo gumeysi soo dhisay, laakiin hadda isugu faanaya in ay is casilaan ama midba mid ka kale ugu faanaya in uu ka soo saaray go’aan ama qaraar kan kale ka dhan ah.

Waxaase is-weydiin mudan ma yihiin kuwo wax is yeeli kara, ama is legdi kara?.

Taariikh ahaan, qolyaha rukumada ah, ee Muqdisho fadhiyo waxa isu keenay, sidii ari xarig lagu soo xirtayna meesha isu keenay Augustine Mahiga, oo mar ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin sheeganayey in uu wakiil ka yahay waxa Beesha Caalamka(International Community) ama Qarammada Midoobay(United Nations) loogu yeero, mana ahayn shay ama xubin xalaalnimo ku timi, ummaddana matasha ama u khidmaysa, danaha dadka iyo dalka, laakiinse ah meel lagu gooyo sharciyo shaydaan diinta, dalka iyo dadkana u daran.

Kuwa Kismaayo lagu soo xereeyey, oo aan aaminsanahay in ay ka sii liitaan kuwaa hore, waayo kuwan hore waxa ay sheeganayaan in ay Soomaali oo dhan matalaan, laakiin kuwan dambe waa kuwo qoysas ay Xabashida iyo Keenya isku khasbayso, laakiin aan is oggoleyn waxaana dhisay ama isu soo xereeyey Gabre iyo wakiillo ka socda Uhuru Keenyaati, oo iyagu sheeganayey in ay wakiil ka yihiin urur goboleedka IGAD, oo ah aalad cusub oo imminka Soomaaliya gumeysi lagu gelinayo.

Waxaadna mooddaa labada af-hayeen oo u kala hadlay in aysan kuwo xilliggan nool ama fahamsan waqtigan lagu jiro, dadnimo, aqoon iyo karti geed ka hadalna aan lahayn, labadaasina waa labada nin ee la kala yiraahdo Cabdinaasir Seeraar Maax oo u hadlay kuwa kismaayo yuurura iyo mid kale oo isna lagu magacaabo Maxamed Xuseen Isaaq(Afaraale), oo isna Muqdisho ku xereysan, mid walibana ceeb iyo waji xumo ayuu u dhigay is-gaarsiintii lagu wareysanayey, markii mid waliba jawaab u waayey su’aalihii la weydiiyey.

Haddaba labadan Baarlamaan ku sheeg miyaaney u muuqan kuwo aan tabar is dhaamin, sidii labadii odayna isu faanaya, waayo kan Muqdisho waxa uu hadda isu arkaa kii wax legday maaddaama uu ku dhawaaqay kala dirid aannan fahmin micnaha ay soo kordhin karto iyo kan Kismaayo oo isna ku hadaaqaya ima kala diri kartid, oo ima tabar dhaantid, laakiin mid waliba uu dabada ka taagan yahay wixii awalba isu keenay, kuwaas oo kala ah Beesha Caalamka iyo IGAD, oo iyagu imminka u muuqda kuwo isku fahmi waayey qaabkii dalka Soomaaliyeed gumeysiga loo gelin lahaa, haddii ay dan u arkaana mid waliba oran karo aamus oo edeb yeelo annaga ayaa go’aanka aad ku wada joogeysaan ama ku kala tageysaan lehe.


وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

Related Items

Update cookies preferences