Sawiiro Murugo Leh Xasuuq Ba'an oo Ku Socda Shacabka Magaalada Qaza,Masar oo diiday in ay qaabisho Dhaawacyada Halista ah.

Saturday July 12, 2014 - 11:10:44
Ciidanka Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa wali sii wada gummaadka ka dhanka ah shacabka muslimiinta ee magaalada qaza ee Yahuudu gumeysato.


Wararka ka imaanaya Filasdiin ayaa xaqiijiyay in dad kabadan 150 qof ay ku shahiideen duqeymaha walina magaaladu ay tahay mid gubaynaysa.

Muuqaallo murugo leh ayaa lagasoo duubay xaafadaha magaalada carruur muslimiin ah oo waalidkood lalaayay balse aan garan Karin in waalidkood dhintaykuna dul ooyaya ayaa kamid ahaa muuqaallada murugada leh ee warbaahinta lagadaawaday.
Embedded image permalink
http://wata.cc/up/2014/07/images/w-913abe52d9.jpg
Canuggan waxba magarto aabihii oo shahiiday ayuu leeyahay "aabe hurdada kakac”!!.

Gantaallada ka dhaca diyaaradaha F16 iyo Abaaja ayaa ku dul hoobanaya shacabka muslimiinta qaza,dhaawacyada ayaa buux dhaafiyay isbitaallada.

http://wata.cc/up/2014/07/images/w-b3b29928c8.jpg
Qofkan carruurtiisa ayaa lagu dilay duqeymaha Yahuuda kadibna wuxuu qaaday xaalad shoog ah!,waa fal dambiyeed ay geysanayaan qowmka alle ku sheegay "Ilma doofaar iyo iyo ilmo Daanyeer.

Allow ugargaar walaalaheena qaza allow burburi diyaaradaha Yahuudda Sahyuuniyadda.

Related Items

Update cookies preferences