"inay Samadu Naga Oodantaa waa Abaalmarin e".

Thursday April 27, 2017 - 17:54:18
Super Admin
Abwaan Cali Xuseen Xirsi ayaa Lixdameeyadii iyadoo ay abaar ba'ani dalka soomaaliya ku dhufatay ayay dadkii ka codsadeen in uu duceeyo, iyaguna ay aamiin ka dabadhahaan.


Halkii ay ka sugayeen in uu Alle baryo ayuu iyagii u soo jeediyey dhaliil kulul oo ku aadaneed in abaarta ay sabab u tahay macaasi iyo gefaf ay alle ka galeen wuxuuna yiri

Nimanyohow abaaraha dhacay iyo beliyo aafaadka
Dabka ololi uumiga ka karay aradka guudkiisa
Raxmaddii ilaahay waxay innoogu iman weyday
Ee ariyo geelii marshay ee eberka noosaaray
Arradka iyo gaajada waxa innagu alluugmeeyay
Geeduhu waxay u angageen ubaxna loo waayey
Ee ay ugaadhu u bakhtidad ayda miranaysay
Eelkaa wixii dhigay haddaan idin ogaysiiyo
Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e.

Haddii ay islaannimo jirtoo la ijtihaadaayo
Ashahaadda iyo taoobaddii lama ilaaweene
Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e.

Goortay ilma adeerradii uurka ka colowday
Igaar waliba kii xigay markuu dhacay aduunkiisa
Goortii ammaanada la cunay ehelku kuu dhiibtay
Inkiraadi goortay timi ee aamin la iswaayey
Afka buuxi mooyee markay aayar socon weyday
Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e
Ilaahay ma loo noqonayaa Axadkii weeyaan e.

Alalaasku goortuu ka karay or iyo duulaanku
Nimaan ayna kaa dhicin markii udubka loosaaray
Oofaha markay kala heleen kaalka la afeeyay
Goortay asayda u xireen ooriduu mehershay
Maatadu markay ooyayeen loo arxami waayey
Markii aabbeyaal lagu diley ee gaban agoomoobay
Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e.

Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e
Axdi nimaad ahaydeen markuu oofin kari waayay
Aayadaha diinta ah markii iida (E) laga doortay
Isimkii ilaahay markii la istixayn waayey
Akalkaad cuneyseen markii loo abtirin waayey
Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e.

Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e
Aakhiro illowdiyo jannada aqalladeediiye
Addimaadda goortuu wadaad idin ogeysiiyo
Aadaanka oo yeeray baad orod ku dhaaftaan e.

Eygii hadduu idin duwadey Aadan ba habowshey
Oo uu Iblays idin ku mudey shalay iraabkiisa
Inay samadu naga oodantaa waa abaalmarin e
Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e.

W/D Axmed Faarax Cali Idaajaa

Related Items

Update cookies preferences