Nabadoon Guuleed oo Afarrey Ka Tiriyay Dhiibistii Qalbi Dhagax [Dhageyso].

Saturday September 09, 2017 - 14:17:31
Super Admin
Tan iyo markii ay DF-ku Itoobiya u dhiibtay muwaadinkii Soomaaliyeed ee C/kariin Qalbi dhagax, ayaa waxaa isi soo taraya hadallada qiirada leh ee ay ummada Soomaaliyeed ka oranayso dal iyo dibad intaba.



Nabadoon Maxamad Axmad Guuleed oo ka qeyb galay barnaamijka Diiradda Jimcaha ee todobaad walba ka baxa war-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa dhiibista muwaadinkaasi ka tiriyay afarrey qiiro leh oo murti Xambaarsan.

 

Markii Qalbi dhagax la dhiibay, Gabre ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in dhiibista qalbi dhagax ay kaalin weyn ka geysteen shaqsiyaad ay kamid yihiin Axmad Madoobe iyo Farmaajo oo ay ehel yihiin ninka la dhiibay marka dhan laga eego.

Nabadoonka ayaa sheegay tallaabada uu Farmaajo ku dhibay ina adeerkii iney ka marqaati kacayso inaanu wax naxariis ah u heyn cid kale, isgaoo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalkooda ka xoreystaan Xabashida iyo maamuladda ku daaban.

Halkan Ka Dhageyso Afarreyda Nabadoon Guuleed

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items

Update cookies preferences