Tan iyo markii gumeystaha reer galbeedku dhulkeena
qabsadeen kalana qeybiyeen Ummadeenu waxay raciyo u ahayd reer Galbeedka
kuwaasi oo aan marna siinin xuriyad buuxda kana fasahaadiyay dariiqyada ciziga
iyo guusha uuna hoggaamiyay halkii iyo sidii jiilasha danbe eey u noqon
lahayeen kuwa mara dhabayaasha aabayaashood una hoggaansan iyaga,haddaba waxaa
lama huraan noqotay in labadalo taariikhdaas mugdiga badan loona weecdo halkii
iyo sidii lagu heli lahaa Ummadaan oo xor ah loona tiri lahaa baalasha madow ee
gumeysiga iyo gunnimada.
Inkastoo aan gummeysiga la wadaagno Waddamo badan oo
caddan iyo madoow leh hadana Ummadeena iyo dhulkeenaba gumeystuhu waxa uu ku
yeeshay saameyn ballaaran isagoo qeybo kamid ah dhulkeenma gacanta ugaliyay
gumeyste madow ah si eey ugusii jiraan dulmiga, sidoo kale gumeystuhu intii uu
"Xuriyadda" siiyay uma ogolaanin iney si madax banaan uga tashadaan
aayahooda iyo nuuca dowlad iyo nidaam ay dhisan lahayeen, sidaasi darteed waxaa
dhulkeenna ka hana qaaday "Dowlado" aan ahayn kuwii dadka iyo dalka
ee ah kuwa ku shaqeeya mabaadii'da gumeystuhu reebay oo ay hoggaaminayeen dad
uu soo diyaarsaday una tababarnaa daba dhilifnimada.
Hadaba caqliga saliimka ah ee ku jira qof dhiggiisu
nadiif yahay lehna damiir ka fakara aayaha umaddiisa sidaas oo kalena aan
jeclayn sii joogteynta dhabbihii gumeystuhu noo jeexay wuxuu ku
mashquulsanyahay sida looga bixi karo gumeysiga muuqda iyo midka aan muuqan iyo
sidii loo heli lahaa dowladdii diinta, dalka, iyo dadka.
Si kaduwan dowladaha kale ee Afrikaanta ah ee
xadaaradoodu uun eey kasoo bilaabatay gumeystaha lana dhacsan kuna qanacsan
iney ku sii joogaan dhabbahaaas Umada Muslimka ah waxay leedahay xadaarad iyo
ilbaxnimo fog kana hormarsan mida reer galbeedka sidaso kale waxa Allah
fadligii ah inan heysano kitaab samaawi ah oo u noso dajiyay Allah koonka
Abuuray isla markasna nala faray inan dhexdeena isku xukumno ugu noqono wixi
dhexdeenna ahaada kaas oo markii aan ka weecanay ama nalanka weeciyay ku
dhaqankiisa aan ka dhaxalnay dulligaan iyo in aan raaciyo u noqonno reer
galbeedka.
Maxaan ku
doortay Al-Shabaab?
Taariikhdu waa silsillad meerta ah taasi oo marar badan
soo laalaabta lakiin matalaadaha iyo munaasibaduhu uun eey is dooriyaan. qofkii
fahamsan ama arka in aanu dhabbihii aan kusoo joognay uusan ahayn midkii aan ku
gaari lahayn ciziga adduunyo iyo kan aakhiro sidaas oo kalena eey lama huraan
tahay in la badalo taariikhda gummeysi ee uu ku leeyahay gobolka geeska afrika
isla markaasna daraaseeya hiigsiga halyeeyadi aasaasay dhaqaaqa Al-Shabaab waxaa
u muuqanaya in dhabbaha ciziga iyo sharafka uu yahay Jihaadla lagu hirgelinayo
dowlad soo dhicisa baadida maqan, doowlad ka dhiidhisa dulmiga lagu hayo umada
Muslimka ah, dowlad u sacyisa sidii lagu xoreyn lahaa muqadasaadka Islaamka iyo
sidoo kale dowlad barbaarisa cilmiga sharciga iyo midka nacfiga leh.
Al-Shabaab, marka aad kasoo gudubto dacayaatka dibadda
yaalla ee aad gasho gunta hoose ee wax qabadka iyo xaqiiqda fekerka
Jihadiyiinta Somalia waxaan shaki ku jirin in goortaasi aad kala ogaaneyso wax
walbaa iyo waxyaabo badan oo uu cadawgu ku suurad xumeyay, sida ku dhaqanka
shareecada Islaamka, nabadda iyo is dhexgalka beelaha Somaliyeed ee ka jira
wilayaatka Islaamiga ah.
Mar haddii eey ahayd waxa aanu goobeynay intaas iyo
inkaloo ku jira qoryaasha Al-Shabab, waxaa qalbigaagu isweydinayaa; waa maxay
sababta loola dagaashanyahay Al- Shabaab haddeyba iyaga yihiin nidaamka sidaan
wax u maamulaya!!???.
Marnaba si dhib yar cadawgeenu kuma ogaalanayo in
shirqooladii uu soo maleegayay qarniyaal eey Al-Shabab noqoto cidda afka ciidda
ugalisa ummadana ku hogaamisa seef iyo kitaab wada socda, Jihaad lagu dumiyo
dowladaha dulmiga iyo fasaadka halkaasna lagu soo gabangabeeyo qarniyashii
mugdiga, sidaasi darteed reer galbeedku waxay yaboohayaan naf iyo maal iyo si
kasta oo eey uga hortagi karaan daadka soo qulqulaya haddii eey ahaan lahayd
caada qaatayaal Soomaali ah iyo kuwa Afrikan ah oo eey siiyaan magacyo
wanaagsan sida "Dowlad" iyo "Nabad ilaalin" lasoo daba
dhigay warbaahin suurad xumeysa Mujaahidiinta cadawgana suuq geyn usameysa.
Inaad qaadato fikirka Al-Shabaab uma baahna inaad u
safarto dhulkooda ama lagaaga sheekeeyo wanagooda lakiin uun waxaa keenaya
Su'aalaha farabadan ee ku taagan maskaxdeena aan jawaabta loo heynin.
"Dowladda" Federaalka ah.
Wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee dunida nuuca
dowlad ee la dhisayo waxay Reer galbeedku ku xireen shuruudo badan taasi oo
dowladaha tabarta yar ee kasoo hara waxa loogu yeero 'Shanta quwadood' eeysan
gooni isku taagi karin dhaqaalo ahaan iyo awood ahaanba illaa iney ku tiirsato
mid kamid ah dowladahaas ma ahane, intaas kuma ekeysane reer galbeedku waxay
soo diyaarsadeen dad eey tababareen oo xambaarsan una hirgaliya mabaadi'daas
islamarkaasna la siiyay magacyada sida "Diplomacy".
Inkastoo qaab dhismeedka dowladaha ka jira caalamka
islaamka eysan ahayn kuwo u adeegaya ummadaha eey maamulan iyadoo eey ugu
wacantahay habka maamul iyo awooda ay u leeyihiin iney fuliyaan ama hirgaliyaan
waxa shucuubtu jecelyihiin haddana tan
Soomaaliya waa mid kuwaas kasii liidata.
Markii aad si dhiifoon u fiiriso qaab dhismeedka, ficillada
iyo natiijooyinkii laga dhaxlay dowladihii laga hirgaliyay muqdishu tan iyo
2000 waxay ahayeen nidaamyo maqaarsaar oo lasiiyay sharciyay iyo awood eeysan
muteysan isla markaasna fulinaya arrimo xasaasi ah oo aan wax dan ihi ugu jirin
shacabka Somaliyeed ee ku tabaaleysan gudaha iyo dibadda.
waxyaabihii ugu cajiibsana ee aan ka xasuusto go'aamada
dowladda waxa kamid ah:-
-Dhulalka iyo meelaha ugu qaalisan dalkeena waxa daggan
hay'ado shisheeye oo markii lasiinayay dhulkaas ku shardiyay in aan qof Soomaali
ahi ka howlgaleyn.
-Muran lagaliyay badda Soomaaliya
-Kumanaan calooshod u shaqeystayaal iyo ciidamo shisheeye ah oo wadanka ka howlgala
-Barnaamijkii Jinsiga oo ah dabin naloo dhigay oo aan maalin uun ku dhicidoono
-Federaalka oo ah qorshe lagu kala qeybiyay dadkeena iyo dhulkenna
-Dhiibistii Abdikariim Sheikh Musse Qalbi dhagax
-Iyo mowduca hadda taagan ee ah In La tirtiro Dalka
Somalia lana hoos geeyo Ethiopia.
Hadaba magaca "Dowlad" micno badan malahan
mar haddii uusan ahayn mid lagu nasto looguna naaloodo madax banaani, Hormar
iyo sharafka dadkeena o lasoo celiyo.
Kuma qanceysid magaca dowlad adigoo arkaya in maalinkii
soo gudbaba eey gacanteena ka bexeyso madax banaanida dhulkeena kheyraadka
badan iyo sidaaso kale Ethiopianka oo ku dhimanaya baadiyaha Ceeldheer si eey u
carqaladeeyaan dad nabad heysta una dhisan maamulkii hoostagi lahaa.
Sidaba noo muuqata xitaa haddii dowladda federaalka ah
eey qabsato si dhameystiran dalka oo dhan waxay noo yabooheysaa dullinimo uusan
ku qancin midka damiirka leh, Mustaqbalka ugu fog ee ey hiigsadaan dowladaha
dabadhilifka ah ee ka dhisan caalamka Islaamka waa sida Imaraadka oo ku
caanbaxay fasaad, fuxshi iyo diin la'aan. ifafaalahaasi waa uu kaoso muuqday Muqdishu
waxaana ka furan Club-yo iyo Hotello fisqiga ku caanbaxay.
Nooma cuntameyso iney nala noolaadan Soomaali masiixi
ah illaa inaga ama iyaga mid ciidda laga hoos mariyo.
Shacabka Somaaliyeed.
Xukaamta iyo dowladaha ka jira Caalamka islaamka uma
aas aasna iney u adeegaan shucuubta ay maamulaan. qaab dhismeedka federaalka oo
lagu sheegay 'Dimoqaraadi' waa mid aan sinnaba u hufneyn kuna tiirsan reer
galbeedka dhaqaalana ka hesha qaramada midoobay si eey usii joogteeyan
xukunkooda kufriga ah, shacabkana u duudsiyaan xaqiisa ah in uu kitaabka Rabbi
lagu maamulo.
Shacabka wax dood ah uga furna nuuc dowlad ee u rabo ee
waxa kaliya ee loo ogolyahay iney soo doortaan camiilkii hoggaamin nidaamkaas
ridada ah kaas o Reer galbeedku awaamiirta siin lahaayeen si loo dhaqan galiyo.
Caalamka maanta in lagu gumeysto uma baahna in quwad iyo xoog laguugu qabsado
lakiin waxa la adegsadaa dad muuqa Soomaali ka ah dhalashooyina ka heysta
gumeystaha islamarkaasna ma jaraha u qabanaya dowladda uu gumeystuhu dhisay.
Reer galbeedku waxay isku dayayaan iney noo dhisaan
nuuc dowladeed oo faashil ah taas oo shucuubtii ey qarniyaasha u dhineyd ku
dadalayaan sidey ku dummin lahayeen.
Sida aad ku aragto 'Villa Somalia' waa nidaam aan wax
asxaan ah u galin shacabka soomaaliyeed lana daba jooga raaf, barakac iyo iney
ka xiraan waddooyinka iyo isu socodka bulshada. Haddii nabaddi ku imaaneyso
habkaas waxaa nabad looga heli lahaa Afghanistan oo Rer Galbeedku laftoodu ku
duuleen 17 sano ka hor, maantana eey ka maamula wax ka yar 30% waddanka iyaga
in ka badan 300,000 oo askari oo eey soo tababareen.
Mar walbaa waxay sheegaan iney rabaan taageerada shacab
aan rabitaankooda ku taagneen dowladdu, wax dan ahna eeysan u heynin, sidoo
kalena ka hoojiyay iney u xukun tagaan kitaabka Rabi iyo Qaddaha shareecada
Islaamka.
Xuuraanka hoose ee bulshada waa ineysan marnaba
dooraneyn iney ka tagaan rabbigooda sidoo kalena hoos harsdaan jaahiliyadda,
lakiin caburinta iyo dhaldhalaalka adduunyo ee ey yaboohayaan kaliya waxaa
raaci doonaan kuwa liita ee aan lahayn dammiir damqada oo ey isaga dulqaadan
gumeysiga ee Rer Galbeed.
Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Tan iyo markii uu maraykanku kusoo duulay Somaliya
Sagaashameyadii, guud ahaan gobolka gees Africa iyo gaar ahaan Soomaaliya waxay
martigalineysay dagaal biyaha guntooda ka socday oo dhexmarayay reer galbeedka
iyo cumaladooda oo saf ah iyo Dhalinyaro
Soomaaliyeed.
Ka bixitaankii Somalia ee huwantii "Raja so
celinta" kama dhigneyn dhammaanshaha dagaalkii tooska ahaa ee ey
martigalisay Mogadishu laakin waxa uu ahaa billowga nuuc cusub ah oo u
maraykanku ku wajahayay kooxihii kula hardamay kagana guuleystay dagaalka
tooska iyo siduu ku dhimmi lahaa khasaaraha kasoo gaarayay dagaalka tooska ah.
Maraykanku waxaa uu bilaabay adeegsiga Jawaasiis iyo
dagaal ogaayaal Soamaali ah kuwasi oo ey shaqadoodu ahayd iney so qabqabtaan
dadka Muslimiinta ah islamarkaasna u gacangaliyaan CIA-da kuwaasi oo xabsiyo
qarsoon ugu yaaleen dalka sidaas oo kale maraakiib xabsiyo ah u fadhiyeen
xeebaha Soomaaliya.
Jihaadiyiinta Soomaaliya waxa u suurta gashay sanado
dulmi iyo fasaad ah ka dib iney Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kusoo dabaalaan
nidaam Islaami ah kaasi oo ka careysiiyay reer galbeedka kuna qasbay iney
Ethiopia kusoo hogaamiyaan Soomaaliya Hase yeshee dagaal dheer oo qaraar kadib
ciidamada Ethiopia way ku adkaatay iney xamilaan dhiig baxa daran oo ku socday.
Mar kale ayay shiisheeyuhu mu'aamarad iyo shirqool
culus usoo maleegen Somalida.
Dabinkan waxa ku dhacay culimo, odayaal dhaqameedyo iyo
sidaas oo kale dhalinyara badan oo Ethiopia la soo hardamay sanadihii lasoo
dhaafay hayeeshee ku biyo shubtay iney halkaa kasii wadaan masiirka duullaankii
Ethiopia ku hungowday una hirgaliyaan damacii reer galbeedka ee ahaa in aan Soomaaliya
ka hana qaadin Dowlad islaami ah.
Si looga maarmo ciidamada Ethiopia oo nacayb daran eey
u qabtay Ummada Soomaaliyeed shisheeyuhu waxay soo fakareen in Ethiopia laga
saaro xamar laguna soo badalo soo duulayaal Africkaan ah oo halkaa kasii dhameystira
duulaanka sidoo kale iyagoo ka faa'ideysanaya Soomaalida kusoo dhacday dabinka
dib u heshiisinta, reer galbeedku waxay bilaabeen dhismaha Dowlad ey
hogaaminayeen xubnihii ka baxay safka jihaadiyiinta si ummada soomaaliyeed ugu
malayso iney dhalatay dowladdi loo baahnaa.
lasoco Q2-aad insha'allaah
W/Q Ina ilkaweyne